Maxay Soomaaliya ugu gacan seyrtay War bixinta Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ?
18 Luulyo 2021, 08:33 EAT
Xigashada Sawirka, AFP
sawir hore midowga Afrika
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay war bixin lagu baahiya baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.
War kasoo baxay xukuumadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.
Balse intaan taa la gaarin BBC-da ayaa wareysi falan qeyn ah la yeelatay Faysal Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika waxa uuna sheegayaa in warbixinta ay uga soo baxday laba qodob oo ah sababha Ammisom ku kallifay warbixintan inay soo saaraan.
Dowladda Soomaaliya oo diidday War bixinta Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika bbc.com - get the latest breaking news, showbiz & celebrity photos, sport news & rumours, viral videos and top stories from bbc.com Daily Mail and Mail on Sunday newspapers.