Muxuu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ka yiri xaaladda Tigray?
9 Saacadood ka hor
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegaya in colaaddii dhawaan ka dhacay gobolka Tigreeda ee dalka Itoobiya ay sababtay macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii 400,000 oo qof.
Kulan uu xalay arrinta gobolka Tigray ka yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa laga sheegay in ay suurtagal tahay in colaad hor leh ay halkaasi ka dhacdo, inkastoo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.
Ku simaha madaxa gargaarka bani aadamnimada ee Qaramada Midoobay, Ramesh Rajasingham, ayaa Golaha Amniga u sheegay in xaaladda Tigray ay aad u xumaatay toddobaadyadii la soo dhaafay.