Maxaa ka dhaxeeya sakiinta cabsida abuurtay iyo Al-Shabaab?
30 Juunyo 2021, 05:39 EAT
Nooc ka mid ah sakiinta lagu xiirto oo magaca la wadaagto koox Islaami xagjir ah oo argagax iyo cabsi badan ku haysay dadka deggan gobolka ku yaal woqooyiga dalka Mozambique ee Cabo Delgado ayaa walwal iyo cabsi ku abuurtay ma uuliyiinta dalkaasi.
Sakiintan oo lagu magacaabo Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay laga isticmaalayay dalkaasi Mozambique.
Mas uuliyiinta dalkaasi ayaa haatan ka cabsi qabo in uu xiriir ka dhaxeeyo sakiintaasi iyo koox lagu magacaabo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamka ee IS oo muddo sanado ah dhibaato ka geysanasyay woqooyiga dalkaasi.