Gobol shareecada Islaamka looga dhaqmo oo mamnuucay Boombalada bini adanka loo eekeeysiiyay
2 Luulyo 2021, 05:35 EAT
Xigashada Sawirka, Getty Images
Boombalada sida bini adamnka loo suureeyay ee dharka lagu xayeesiiyo gaar ahaan kuwa dumarka laga matalay ayaa waxaa laga mamnuucay gobol ku yaalla waqooyihga Nigeria ka dib marki ay maamulka sheegeen in ka soo horjeeddo shareecada Islaamka.
Boombalooyinka noocyadaas oo kale ah ayaa sidoo kale mas uul ka ah fikradaha anshax darrada ah ee ka dhex dhaca qaar ka mid ah dadweynaha , sida uu sheegay madaxa booliiska arrimaha diinta ee gobolka Kano, ee halkaasi Hisbah laga yirahdo. Booliska Hisbah ayaa mamnuucaya isticmaalka boombaloyinka ee dukaamada, goobaha ganacsi iyo xitaa guryaha la degan yahay ee gaarka loo leeyahay iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.